Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdi Cumar:Shabaab diinta way baabi'iyeen

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo ka qayb galay aaski loo sameeyay Aallah ha uu naxariistee weriye Axmed Xasan Cawke ee magaalada Tog-wajaale salaasadii ayaa waxaa intii yareyd ee uu joogay u suurtagashay inuu wareysto Madaxweynaha Dawlad Deegaanka soomaalida ee Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar oo ka mid ahaa madaxdii ka soo qayb gashay aaskaasi .

Madaxweyne Cabdi maxamed Cumar wuxuu ka waramay iskaashiga xagga nabadgelyada iyo ganacsiga ee somaliland iyo Ethiopia .wuxuu kaloo si guud u soo qaaday khatarta argagixisada ee mandiqadan geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka .

Axmed Saciid Cige wuxuu marka hore weydiiyay madaxweynaha iskaashiga nabadgelyada ee Dawlad deegaanka soomalida Ethiopia iyo Somaliland.