Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taxanaha 100 ka haweenka ah oo CAR aan ku eegeyno

Taxanaha 100 dumar ah oo BBC-du sameyneyso ayaa diiradda lagu saaraya noolasha haweenka dunida ku nool.

Haddaba, iyada oo qeyb ka ah taxanaha boqol dumar ah ayaa maanta waxaanu si gaar ah ugu eegeynaa xirfada kalkaalisanimada ee dumarka.

Meel walba oo colaad iyo dagaal ka jiraan ayaa waxaa laga helaa koox dumar ah oo ku howlan badbaadinta nolosha dadka, dumarka ayaan ah kuwa safafka hore taagan ee kalkaaliyayaasha ah.

Dalka Jamhuuriyada Afrikada dhexe ayaa ah dal uu la degay dagaal sokeeye, hal kalkaaliso oo haweeney ah ayaana ka shaqeyso badbaadinta qoysaska, keliya kama badbadiso qaraxyada iyo xabadaha balse dhibaatooyinka ammaan darro,nafaqadarada iyo cudurka duumada.

Waatan Farsowsa oo soo jeedisa.