Baliiska Paris oo maydad dheeraad ah helay

Lahaanshaha sawirka

Xafiiska xeer ilaaliyaha Paris, ayaa sheegay in meydkii saddexaad laga helay haraaga burburka guriga ay weerareen booliiska arbacadii, xili ay baadi goob ugu jireen dad loogga shakisnaa iney ku lug lahaayeen weerarkii Paris.

Waxey sheegeen inuu ahaa haraadigii Hasna Ait Boulahce – ina adeerta ninkii lagu sheegay inuu ahaa hoggaamiyahihii weerarkii Paris, ee Abdelhamid Abaaoud.

Meydkiisa waxaa laga dhax aqoon sadey si rasmi ah inuu ku dhex ku jiro saddexda meyd ee la helay. Meydadka kale heybtooda wali lama garan. Waxaa wali guriga ka socda baarista cilmiyeed ee danbiya.