Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taxanaha 100 ka haweenka oo aan ku eegeyno hay'ada Elman

Taxanaha 100 ka haweenka ee BBC maanta waxaa ku eegeynaa, jaamacada Harvard ee ku taalla wadanka Maraykanka, ayaa waxa ay sanadkaan gudoonsiisay abaalmarinteeda qaaliga ee xuquuqda adaanaha hooyo Soomaaliyeed iyo gabadheeda.

Fartuun Abdisalaam Haji Adan iyo Ilwaad Elman, ayaa waxa ay ka shaqeeyaan xarunta xoquuqda aadanaha ee hay'adda nabada iyo xuquuqul insaanka ee Elman oo saldhigeedu yahay magaalada Mogadishu.

Jamacada Harvard, ayaa abaalmarintan bixisa labadii sanoba hall mar, waxaana la gudoonsiiyaa shaqsiyaadka u olo-leeya xuquuqda aadanaha isbadalada ugu badana ka sameeyay wadankoodii.

Gabdhahan, ayaa lagu abaalmariyay shaqooyinkii ay ka qabteen wadanka soomaliya sida wax barashada, haweenka iyo caruurta . wariyaha BBC-da Mohamed Haji Hussien ayaa waraystay wuxuuna ku horamaray Fartuun oo uu waydiiyay bal in ay sharaxaad ka bixiso abaalmarintan la siiyay waxa ay tahay?.