Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ururka Soomaali Siman oo looga dhawaaqay Canada

Qaar kamid ah Soomaalida qurbajoogta ee ku nool dalka Canada ayaa magaalada Toronto uga dhawaaqay dhaq-dhaqaaq ay ugu magac dareen SOOMAALI SIMAN.

Xubnaha ka dambeeya dhaq-dhaqaaqan waxa ay sheegeen in looga gol leehay in lagu baadigoobo Soomaaliya oo ka madaxbanaan faquuqid dhinaca bulshada ah.

Dr Cabdi Kusow oo ah professor wax ka dhiga Jaamacadda Iowa ee dalka Maraykanka ayaa aasaasay dhaq-dhaqaaqa SOMALI SIMAN.

Rage Xasan ayaa marka hore weeydiiyay in uu faahfaahin ka bixiyo sinaan la'aanta ay ka hadlayaan ee ka dhax jirta bulshada Soomaalida dhaxdeeda.