Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Waxaan hoos u dhignay kufsiga iyo gudniinka haweenka

Iyadoo lagu jiro maalmaha caalamiga ah ee ka hortaga tacaddiyada loo geysto haweenka , ayaa munaasabado lagu qabtay magaalooyin ka tirsan Somaliland waxaa gudiga xuquuqul insaanka ay soo bandhigeen in sanadkaan 2015-ka wax badan laga qabtay kufsiga haweenka, iyo gudniinka fircooniga ee gabdhaha.

Hase yeeshee waxay xuseen in dhibaato ka haysato haweenka inay ku soo baxaan doorashada baarlamaanka.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay arrimahaasi gudoomiyaha gudiga ilaalinta xuquuqul insaanka Somaliland Fatxiya Xaaji Xuseen Jaahuur.