Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciribtirka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliya

Maanta waa maalinta Qaramada Midoobey ay u asteysay ciribtirka xadgudubyada ka dhanka ah haweenka, illaa 10 ka bisha December-na Qaramada Midoobey waxa ay ugu talagashay 16ka maalin ee u ololeynta la dagaallanka xadgudubyada xagga Jinsiga ah ee lagula kaco dumarka.

Qaramada midoobey waxa ay dooneysaa in la sameeyo tallaabooyin lagu soo afjarayo dhammaan dhibka ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha ee dunida oo dhan.

Soomaaliya waxaa la sheegaaa inay ka mid tahay meelaha ay dhibaatada ugu weyn ay ka jirto ee haweenku ay caqabado adag la kulmaan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa xadgudubyada lagula kaco dumarka Soomaaliyeed ka waraystay Agaasimaha Xarunta badbaadinta haweenka iyo dhalaanka ee SSWC Aamino Xaaji Cilmi, waxana uu marka hore weydiiyay noocyada xadgudub ee ay haweenka Soomaaliyeed la kulmaan.