Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baarlamaanka UK ma aqbali doonaa duqaynta Suuriya

Iyadoo xaalka dalka Suuriya iyo kooxda Daacish uu sii cakirnaanayo ayaa dowladda Britain waxay baarlamaankeeda ka codsatay in loo ogolaado inay ku biirto dagaalka lagu hayo kooxda Daacish.

Ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa dalbaday in fasax loo siiyo inuu dagaal ku qaado Daacish. Arinkaas waxa uu muran wayn ka dhaliyay baarlamaanka Britain gudihiisa.

Arimaha uu qiilka ka dhiganayo David Cameroon waxaa ka mid wixii ka dhacay Paris, weerarkii tamashlayaal British ah loogu gaystay dalka Tunisia iyo waliba diyaaradii buuraha Sinai lagu soo riday.

Hadaba maxay tilaabadani ku soo kordhin kartaa xaaladda dalka Suuriya iyo kooxdan Daacish. Baarlamaanka Britain ma ogolaan doonaa dalabka dowlada. Maxayse tahay cabsida Britain ay qabto.

Arimahaasi oo dhan waxaan ka waraystay Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Banaadiri oo ah khabiir ka faalooda arimaha ammaanka.