Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxootii Muqdisho u tagay Qiimayn

Koox ka socotay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxa ay tageen magaalada Muqdisho si ay usoo kormeeraan goobaha loo sheegay in dib loogu celinayo.

Sababta halkaasi loogeeyay waxa ay ahayd inay xaaladda jirta indhohooda ku soo qiimeeyaan. Hay'adda UNHCR, dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadaan hannaan qaxootiga dib loogu celinaayo si iskood ah.

Cabdullaahi Sheekh Siraaji waxa uu ka mid ahaa dadkii Xamar tagay, Axmed Xaji Xasan ayuu u warramay.