Labo ciyaaryahan oo laga walwalsanyahay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo labo qof oo ka mid ah ciyaaryahanada hirarka badaha ku dheela oo reer Australia ah kuwaas oo la waayay labaatankii bishan kaw iyo tobnaad iyaga oo ku sii socday dalka Mexico.

Dean Lucas iyo Adam Coleman, labadooduba waxay ahaayeen 33, waxayna ku noolaayeen Canada, waxayna u anbabaxeen bartamaha America si ay hirarka badda ugu soo ciyaaraan.

Qoysaskoodu waxay sheegeen in ay u keceen Mexico iyada oo ay jirto warar ay warbaahintu tabinayaan oo sheegaya in bas yar oo la gubay oo kooda u eg laga dhex helay labo mayd ah oo aan la aqoonsanin.

War qoraal ah oo ay qaraabadu soosaareen ayay ku sheegeen in ay aad u cabsanayaan, balse booliisku kama aysan hadlin arrintaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Australia ayaa xaqiijisay in qunsuliyadoodu ay caawinayso qoysaska labadaasi qof.