Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guurka qurba joogta ee dalka Burkina Faso

Sanaddadii la soo dhaafay kummanaan ka tirsan ragga qowmiyadda Bissa ee dalka Burkina Faso ayaa u socdaalayay dalka Talyaaniga oo ay shaqo iyo nolal wanaagsan u raadsanayeen.

ku dhawaad 50 kun oo reer Burkinafaso ah gaar ahaanna qowmiyaddaasi ayaa waxa ay hadda ku nool yihin dalkaasi Talyaaniga.

Balse sida waddamada kale ee galbeedka afrika, dhibaatada ka dhalatay qul-qulka dadka ee haajiraya waddamada kale ayaa ah in magaalooyinkii ay buux dhaafiyeen dumar raggoodi ay tahriibeen.

Warbixin arrintaa ku saabsan waxaa gaalada Beguedo, Burkina Faso ka soo dirtay Laeila Adjovi, waxana soo jeedinaya Ciise Xaaji Cabdulle.