Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciidamada Shiinaha ee dalka S.Sudan

Shiinaha oo ah dalka ugu dad badan adduunka ayaa iminka ciidamo nabad ilaalin ah waxay ka joogaan dalka dunida ugu cusub oo ah S Sudan.

Markii ugu horeysay ayaa guuto ka mid ah ciidamada lugta ee Shiinaha oo ka badan kun askari ayaa loo diray hawlgalka nabadilaalinta UN ee S Sudan.

Waxay ka dhigan tahay isbedel weyn oo ku dhacay siyaasadii Shiinaha ee Africa,waana hubaal in lagaga wada hadli doono shirka sare ee dhexmari doono madaxda cShiinaha iyo Afrika oo uu ka qayb galayo Ra'iisul wasaaraha Shiinaha, dhamaadka todobaadkan.

BBC oo ah warbaahin shisheeye tii u horeysay ee loo oggolaaday in ay film ka duubto ciidamada nabadilaalinta Shiinaha ee S Sudan.

Waxaana warbixintan inoo soo jeedinaya Maxamed Cabdiraxmaan.