Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saameynta isbedelka cimilada ee Garissa

Daaq yari ka dhalatay abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay inta badan waddamada bariga afrika ee adkeeyay nolosha dadka reer guuraaga ah ayaa is badal weyn ku keenay hab noolaleedka dad badan oo xoolo-dhaqato ahaa oo ku noolaa Waqooyi bari Kenya.

Inta badan xoolo-dhaqatadii gobolkaasi ayaa haatan isu badalay beeraley maadaama masiibooyinka dabiiciga ee sida abaaraha ku soo noq-noqday gobolka iyo isbadalka cimilada ay saameyn ku yeesheen hab noolaleedkoodi ku saabsanaa dhaqashada xoolaha oo ah laf dhabarta nolasha dadka reer guuraaga ah.

Beeraleynimadu waa hab nololeed ku cusub waqooyi bari kenya, basle haddana iyaga oo ku farxsan in ay wax tacbadaan oo ay ka macaashaan wax soo saarka beerahooda ayaa mar kale waxa ay dhibaato kala kulmayaan daa'dad ba'biiyay beerahooda, sida uu warbixintan ku faafaahinayo weriyaha BBC-da ee gobolkaasi Bashkas jugsoodhacay.