Weerarka cirka UK ee Syria

Britain, ayaa sheegtay in ay diyaarado dagaal oo hor leh ay ku biirinayso weerarada cirka ee UK ay ku qaadayso maleeshiyada dowlad Islaamka ee Suuriya.

Xogyhaha gaashaandhigga, Michael Fallon, ayaa sheegay in Britain ay laba jibaarayso diyaaradaheeda gobolka, saacado kadib markii ay fulisay weeraradii ugu horeeyay ee cirka ay uga qaaddo Syria.

Diyaaradaha wax duqeeya, ayaa bartilmaameedsaday ceelashada shidaalka ee Omar oo ku yaalla bariga Syria.

Mr Fallon ayaa sheegay in beegsashada tas-hiilaadka shidaalka in ay muhiim tahay, maadaama shidaalku ahaa daqli muhiim u aha kooxda IS.

Baarlamaanka Britain ayaa ansixiyay weerarka cirka ah shalay galinkii dambe kadib markii muddo toban saac ah ay socotay dood ku saabsan go'aanka baarlamaanka.