Nin qabay cudrka macaanka 80 sanadood

Lahaanshaha sawirka PA

Nin hawlgaba ayaa cudurka macaanka qabay 80 sanadood waxaanu noqday ninkii ugu horeyey ee dalkan UK ku nool ee hela bilad taaso oo loo siyey sida uu ula tacaalay xaalkiisa.

Clifford Whittacker oo 88 jir ah oo degan Colchester ayaa laga helay cudurka macaanka TypeI ka layidhaahdo ee caruurta ku dhaca markii ay da’diisu ahayd 8 jir.

Ururka dadka macaanka qaba ee layidhaa Diabetes UK ee dalkan Britian ayaa siiyey Blada iyagoo sheegay inuu yahay nin ku dayasho mudan sida uu u xakameyey macaankiisa ee uu ula saxiibay cudrkaasi isagoo marwalba sonkortiisa iyo caafimaadkiisa ilaalinaya .

Mr Whittaker ayaa sheegay in xaaskiisii geeriyootay ay aad u dareyeeli jirtay, isla markaana ay ku dedaali jirtay in macaankiisa la xakameeyo cuno fiicana uu cuno.

Bilada la siiyey ayaa layidhaa HG Wells oo loogu magac daray qoraagii sameyey Abaalgudkani.