Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

IGAD oo soo dhaweysay heshiiska Gaalkacyo

Colaadii magaalada Gaalkacyo ee u dhexeysay maamulada Puntland iyo Galmudud ayaa laga heshiiyay kaddi markii ay dowlada federaalka iyo dowladaha deriska la ah Somaliya ay waanwaan dhexdhigeen labada dhinac.

Dhinacyadii heshiiskan ka soo shaqeeyey waxaa ka mid ah urur Goboleedka IGAD. Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo ka hadlay heshiis Galkacyo ayaa sheegay in loo baahan yahay hada wixii ka dambeeya in lala xisaabtamo dadka dagaalada abaabula.