Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir ku saabsan hiigsiga 2016

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka furmay aqoon isweydaarsi looga hadlayo barnaamijka hiigsiga cusub ee New Deal kaas oo socon doona muddo sedex maalmood ah, waxana ka qayb galaya wakiilo ka socda dowladda federaalka, dawlad goboleedyada iyo xubno ka socday ururrada bulshada.

Aqoon Isweydaarisagan ayaa lagu lafa guri doonaa waxyaabaha ka qabsoomay barnaamijka hiigsiga cusub iyo waxyaabaha aan suurtagalin iyo sidii si isku mid ah loo samayn lahaa qorshe cad oo ku aadan sida looga faa'ideysanayo barnaamijkaasi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo ka qaybgalay furitaanka shirkaasi ayaa waraystay madaxa kooxda iskuduburidka deeqaha ee barnaamijka hiigsiga cusub ee xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Axmad Caynte, wuxuuna marka hore weydiiyay bal in uu sharaxo ujeedka ay ka leeyihiin Aqoon Isweydaarsigan.