Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Midowga Yurub oo cunaqabateyn la damacsan Burundi

Midowga Yurub ayaa ka baaraan degaya in uu cunaqabatayn saaro dalka Burundi, oo ah dal ay qalaaso iyo dilal ku soo badanayeen tan iyo intii uu xilka mar saddexad isu soo sharaxay madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Dhanka kale Burundi ayaa wafdi ay kamid yahiin madax dowladda ugu sareeya u dirtay magaalada Brussels si ay ula xaajoodan Midowga Yurub.

Haddaba wadaxaajoodkaas maxaa ka soo bixi kara? Dr. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo arrimaha Afrika ka faallooda ayaa arrimahaas uga warramay Ciise Xaaji Cabdulle.