Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dib u hawlgalinta haamaha Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa maanta dib looga hawlgaliyay haamihii kaydka shidaalka oo ku burburay dagaalaadii sokeeye ee dalka ka dhacay mudo dhawr iyo labaatan sano ah kaddib

Munaasabad weyn ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee kaydka shidaalka, waxana xariga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa ka qaybgalay dib u hawlgalinta haamihii shidaalka ee Muqdisho, warbixintan ayuuna halkaasi ka soo diray.