Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xabaal wadareed laga helay Mandera

Xabaal wadareed ay ku jiraan meydad isugu jira rag iyo dumar ayaa laga helay duleedka magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Meydadkaas oo qiyaastii ilaa labaataneeyo ah ayaa lagu wadaa in maanta la soo saaro.

Ilaa hada ma cadda cidda dishay dadkaas.

Booliiska Kenya ayaa horay u diiday in ku lugleeyihiin dadka la waayo iyo dadka la dilo.

Faysal Cabdinuur Isaaq oo ah mudane ka tirsan golaha deegaanka ee Mandera ayaa goor sii horreysay Faarax lamaane u xaqiijiyay arrintaas, waxaana marka hore la weydiiyay halka ay xabaal wadareeddku ku taalo.