Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxooti Soomaali ah oo lagu soo celiyay Giriigga

Giriigga ayaa sheegay inuu isu diyaarinayo inuu dib u celiyo qaxootiga aan xaqa u lahayn in magangelyo la siiyo, ayadoo kumanNaan soogalooti iyo qaxooti isugu jira ay soo gaareen Athens, kaddib markii dib looga celiyey xudduudda Macedonia.

Wasiirka socdaalka ee Giriigga Jannis Muzalas ayaa sheegay in dadka cusub ee magangelyo doonka ah ay tahay in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan muddo 30 maalmood ah, haddii kalena dalalkoodii dib loogu celin doono.

Goob cayaaraha Olympic-ga loogu tala galay oo ku taalla Athens iyo garoonkii dayaaradaha ee hore ee magaalada, ayaa loo isticmaalayaa goobo si kumeel loogu qaabilo ilaa 3,000 oo qaxooti ah.

Macedonia ayaa sheegtay inay ogolaanayso oo kaliya dadka muhaajiriinta ah ee ka yimid Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Dadka haddaba dib loogu soo celiyey Giriigga ee laga soo celiyey Macedonia waxaa ka mid ah Xasan Xuseen Cabdi, wuxuuna u warramay Suhayba Maxamed Badqas.