Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Rabshadaha Burundi oo sii xumaanaya

Ciidamada dalka Burundi waxa ay sheegayaan in 87 qof ay ku dhinteen qalalaaso ka dhacay dalka Burundi.

Sideed xubin oo ka mid ah ciidamada amniga ee dalkaasi ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan Bujumbura waxa uu sheegayaa in aad ay u badan tahay tirada dadka ku dhintay tani iyo markii rabshadaha ay Burundi ka bilowdeen.

Waxa uu sheegay in hal magaalo uu ku arkay maydadka 21 qof oo jidadka daadsan, qaarna ay dhismayaal lagu dhex dilay.

In kabadan 250 qof ayaa Burundi lagu dilay tani iyo bishii April, xilligaas oo madaxweyne Pierre Nkurunziza uu shaaciyay inuu markale xilkaasi qabanaayo.

Maxamed Cabdullahi oo ka faallooda arrimaha Afrika ayaa iiga warramay macnaha ay yeelaneyso qalalaasaha ka taagan Burundi.