Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo u baahan dhexdhexaadiye kale

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Xukuumadda Somaliland ayaa dooneysa in dal kale oo caalamka ah, oo aan ahayn Turkiga in uu kasoo qaybgalo oo uu ku soo biiro wada hadalka iyaga iyo dowladda Soomaaliya ee Turkigu hoggaaminayay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, oo maanta u warramay BBC ayaa sheegay in wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland ay soo dhaweynayaan.

Wuxuu sheegay in Turkigu ay ahaayeen ciddii gogosha dhigtay -- haddana ay rabaan dhexdhexaadin -- laakiin ay hadda doonayaan in cid kale oo caalamka ah ay ka soo qaybgasho dhexdhexaadinta.