Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faa'iidada heshiiska dalka liibiya laga gaaray

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, waxa uu u sheegay wakiillada dhinacyada isku haya Liibiya ee in ugu dambeyn maalinta arbacada ah ee soocota ay saxiixaan heshiiska ay Qaramada midoobeey garwadeenka ka tahay.

asigoo ka hadlaayay dalka taliyaaniga, ayaa Mr Kerry waxa uu sheegay in hogaamiyayaasha Liibiya ay garwaaqsadeen dhibaatada colaadda.

Wakiillo ka kala socda dalalka reer galbeedka, bariga dhexe iyo qaramada midoobeey ayaa sidoo kale ka qeybgali doona meesha lagu saxiixaayo heshiiska.

Mr Kerry waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda loo dhan yahay oo dunida taageersan tahay loo dhisayo Liibiya.

Laakiin suuragal ma tahay in heshiiska ay gaareen dhinacyada isku haya Liibiya uu dhaqan galo, Su'aashaas iyo kuwa kale ayaan weydiinay Cabdulkadir Maxamed Axmed oo ku taqasusay xiriirka caalamka, qadka telefoonka ee Jarmalka ayuu iigu warramay