Dambiyadii xasuuqii Rwanda oo go'aan laga gaaray

Maxkamadda caalamiga ah ee gaarka u ah dambiyada Rwanda ka dhacay ayaa jeedisay xukunkeedii kama dambaysta ahaa.

Waxa ay ku gacan sayrtay racfaan ay qaateen lix qof oo uukamid yahay wasiir hore oo horay loogu xukumay dambiyo ka dhan ah aadanaha. dhamnaantood dambiyadii lagu eedeeyay waa lagu helay balse seddax kamdi ah ayaa ciqaabtoodii la khafiifiyay oo laga dhigay 47 sano oo xarig ah badalkii xabsi daa'in.

Maxkamadda oo ku taala magaalada Arusha ee dalka Tanzania waxaa aas aasay Qaramada Midoobay, waxaana loogu talagalay in lagu maxkamadeeyo dadkii kaalinta ugu wayn kulahaa xasuuqii Rwanda ee 1994.

Wariyayaashu waxay ku soo waramayaan in dad badani ay bogaadiyeen wax qabadka maxkamadda, dad kale oo uu ku jiro madaxwaynaha Rwanda, Paul Kagame, waxay ku doodayaan in maxkamaddu ay qaban kartay hawl intaas ka badan.