Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dood ku saabsan shirka Jibuuti Soomaalida uga socdo

Shirka wadatashiga ee weli ka socda Jabuuti waxyaabaha looga hadlaayo waxaa ka mid ah awood qeybsiga iyo kaalinta dumarka.

Waxaa ka qeybgalaya haween u ololeynaaya in dumarka iyo dhallinyarada kaalin fiican ay ku yeeshaan maamulada iyo dowladda.

Hadaba Sagal Biixi, Mannaar Muxidiin Mucallim iyo Suweyda Maxamed Mukhtaar waxa ay ka mid yihiin haweenka shirkaasi ka qeybgalaya. Cabdirasaaq Xaaji Catoosh ayaa dood gaaban u qabtay.

Wuxuuna ku bilaabay Sagal Biixi.