Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaababka karinta kalluunka ee Hargeysa

Markanna aan eegno qeyb kaloo ka mid ah taxanaha BBC ee isbuuca dhadhaminta cuntada guriga. Waxaan eegeynaa maanta magaalada Hargeysa.

Hadaba, inkastoo soomaalidu caado u leeyihiin cunista hilibka xoolaha, haddana sanadahan danbe waxaa aad u soo badanaya siiba magaalooyinka cunista kalluunka.

Weriyaha BBC ee Axmed Saciid Cige ayaa tegay Maqaayad ku yaalla magaalada hargeysa oo si gaar ah looga cuno kalluun noocyo kala duwan la shiilay ama la dubay.