Horseed team
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Horumar Kubbadda cagta ee Soomaaliya

Image caption Kooxda Horseed ee koobka qaadday

Soomaaliya waxay baahisay ciyaartii ugu horreysay ee toos looga daawado television taariikhda ciyaaraha ee dalka.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka General Daa'uud oo ka dhacday garoonka Stadio Benadir ee caasimadda Muqdisho, waxaa laga daawaday televisionka qaranka.

Dadweyne gaaraya 10 kun oo qof ayaa tegay garoonka si ay uga qayb galaan daawashada ciyaarta oo dhexmartay kooxaha Horseed oo magaca ciidammada milateriga ku ciyaaraysay iyo Heegan oo magaca Boliiska ka ciyaaraysa, halka magaalada oo dhan laga daawanayay shaashadaha television-ada gaarka loo leeyahay iyo kuwa yaalla goobaha bulshadu isugu tagto intaba.

Waxaana koobka qaadday kooxda Horseed oo 2-1 uga badisay Heegan ciyaar ay aad uga heleen dadkii u soo daawasho tegay.

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta ee Soomaaliya, Cabdiqani Saciid Carab waxaa uu sheegay in arrintani ay tahay riyo ay muddo dheer qabeen oo dhab noqotay.

"Waa calaamad kale oo muujinaysa in noloshu tartiib-tartiib ugu soo noqonayso Soomaaliya kaddib sannado badan oo dagaal iyo fowdo lagu soo jiray.

halkan ka dhegeyso waraysi uu Axmed Cabdi Nuur la yeeshay oo marka hore uu weydiiyay muhiimadda tartanka koobka General Daa'uud.