Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Idaacaddii ugu horreysay ee Afsoomaali ku hadasha oo laga furay Mareykanka

Dhawaan waxaa magaalada Minneapolis ee waddanka Mareykanka hawada gashay idaacaddii ugu horaysay oo Afka Soomaaliga ku hadasha.

Idaacaddani oo FM ah isla markaana 24 saacadood hawada ku jiraysa maalin walba ayaa waxaa hirgeliyay dhaliyaro Soomaaliyeed, waxa ayna baahisaa barnaamijyo ay ugu tala galeen bulshada Somaliyeed ee halkaasi ku nool.

Maxaamed Axmed Cali waa madaxa idaacadda, waxaa uuna u warramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen Shiine oo ugu horreyntii weydiiyay waxa ku kalifay in ay sameeyaan idaacaddani.