Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn: Burundi iyo ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika

Waxaa maanta ku eg waqtigii uu Midowga Afrika u qabtay dowladda Burundi in ay go’aan kaga gaarto ciidammo nabad ilaalin ah oo ay qaaraddu dooneyso in ay u dirto dalkaasi.

Baarlamaanka Burundi ayaa shalay qaadacay baaqa Midowga Afrika ee ah in 5 kun oo ciidammo nabad ilaalin ah dalkaasi la geeyo, si ay uga hortagaan in xasuuq halkaasi ka dhaco.

Haddaba maxaa loo fasiran karaa go’aanka baarlamaanka Burundi, maxaase la gudboon Midowga Afrika, su’aalahaasi iyo kuwo kale ayuu Maxamed Cabdiraxmaan weydiiyay Dr Ibraahim Farah Bursaliid oo ka faalooda arrimaha caalamka.