Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo: Tartamayaasha doorashada CAR

Codbixiyayaasha CAR ayaa goobaha codbixinta u dareeraya 27 December, si ay u doortaan madaxwayne iyo baarlamaan si dib loogu soo celiyo maamul lagu doorto oo talada dalka qabta.

Isbahaysi Muslimiin ah oo la yiraahdo Seleka ayaa xukunka xoog ku qabsaday bishii Maarso 2013. Koox maleeshiyo masiixiyiin ah oo la yiraahdo anti-Balaka, ayaa ku kacay oo la dagaalamay, taasoo keentay in dalku galo rabshado isir ku salaysan.

Dowlad ku meelgaar ah oo la sameeyo bishii Jannaayo 2014, iyadoo doorashooyinka dib loo dhigay afar jeer tan iyo bishii February 2015, sababo la xiriir ammaan xumo iyo loolan dhinaca tas-hiilaadka ah, inkastoo ay dalka joogaan nabad ilaaliyayaal caalami ah.

Qaybta warqabadka ee BBC ayaa eegaysa cidda ku loolamaysa doorashada madaxtinimada iyo sida dagaalka ka sii dhexjira kooxaha hubasan uu u saamayn doono doorashada.

Warbixinada qaybta warqabadka ee BBC, ayaa ka diyaarisay faallooyinka wararka ee telefishin iyo raadiyaha iyo warbaahinta wax daabacda ee dunida oo dhan. Waxaad nagala socon kartaa @BBCSomali, BBCSomali Facebook, BBCSomali Instagram