Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ruushka oo lagu eedeeyay in dad rayid ah uu ku laayay Suuriya

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta baahisay warbixin sheegaysa in duqaymaha uu Ruushku ka gesytay Suuriya ay ku dhinteen boqolaal shacab ah, ayna sababeen burbur ballaaran.

Warbixinta Amnesty waxay ku baaqaysa in Ruushku uu qirto dhimashada ka dhalatay duqaymahiisa xagga cirka ah ee uu ka wado Suuriya.

Cabduqaadir Maxamed Axmed, oo arrimaha siyaasadda ka faalooda ayaa arrimahaasi uga warramay Xasan-deeq Cabdullahi Haybe.