Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cudurka Daacuunka oo ka dilaacay xeryaha Dhadhaab

Muddo todobaadyo ah waxaa ka jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab cudurka daacuunka oo sida ay sheegayaan howlwadeenada caafimaadka soo ritay dad badan.

Guud ahaan xeryahaasi qaxootiga cudurkaasi waxa uu soo ritay ugu yaraan 800 oo qof haseyeeshee xerada Dhagaxley oo kaliya ayaa la sheegayaa in cudurkaasi uu saameeyay dad gaaraya 400 oo qof oo dhowr iyo toban ka mid ah ay wali jifaan cisbitaalka.

Haddaba weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoo dhacay ayaa qadka taleefoonka kula xiriiray Cabdulqaadir Mallow oo ah madaxa kooxda caafimaadka ee dhakhaatiirta aan xudduudda la hayn ee MSF, waxa uuna weydiiyay sida ay tahay xaaladda dadka uu cudurkaasi soo ritay.