Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Odayaasha Hiran oo diidan madasha Jowhar

Cuqaaasha iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa mar kale dib u soo celiyay doodda ku saabsan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Cuqaashani ayaa mar kale ka soo hor jeesaday in magaalada Jowhar lagu qabto shirkaasi, sidii horey uu u shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay dalbanayaan in shirka lagu qabto magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Nuur oo BBC-da u warramay ayaa ka hadlay sababta ay go'aankaasi u qaateen. Xasan Cali Geelle ayuu khadka telefoonka ugu warramay.