Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo adkaysay Hanaanka socdaalka

Golaha wasiirada ee Somaliland ayaa maanta soo saaray go'aamo ay ku sheegeen in qof ajnabi ah uusan ka shaqeyn karin Somaliland ama joogi karin ruqsad ama deganaasho la'aan.

War saxafadeed laga soo saaray madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in qofkii aan u dhalan Somaliland uu bil gudaheed ku qaato deganaasho ama iskaga baxo.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa go'aamada golaha wasiirada Somaliland ee socdaalka warbixintan nooga soo diray goor dhaweyd