Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi sharciga cusub ee saxaafadda

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqbaliyad ah ku ansixiyay xeerka saxaafadda oo in mudo ahba horyaalay baarlamaanka kaas oo dhowr jeer oo kala duwan lagu sameeyay wax ka beddel. Sharciga cusub ee baarlamaanku maanta ansixiyay qodobbada ku jira waxaa ka mid ah:

Cid kasta oo haysata ama fiirsata TV waxay bixinaysaa canshuurta TV-ga (TV license), waxaana xaddidaya khidmaddaas Wasaaradda Maaliyadda.

Suxufi waxaa noqon karo qof kasta oo leh aqoon jaamacad saxaafadeed, kana gudbay imtixaanka suxufiga laguna qoray diiwaanka saxaafadda sida ku cad qodobka 18aad ee xeerkan.

Haddaba si aan wax uga oggaano waxyaabaha saameynta yeelan kara xeerkan cusub ee saxaafadda ayaanu ka wareysanay Guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo telefonka ku wareystay ayaa weydiiyay sababta uu sharciga in la ansixiyo muddo dheer u qaadatay?