Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xeerka saxaafadda Soomaaliya oo la ansixiyay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqbaliyad ah ku ansixiyay xeerka saxaafadda oo in mudo ahba horyaalay baarlamaanka, kaasi oo dhowr jeer oo kala duwan lagu sameeyay wax ka badalid.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo joogay fadhigii baarlamanka ee maanta ayaa goor dhawayd Xasan Geelle uga waramay sida ay u dhacday ansixinta xeerka saxaafadda.