Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Amniga Faransiiska oo la adkeeyay sanadkan cusub

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay guud ahaan dalka Faransiiska inta lagu guda jiro xuska sanadka cusub ee 2016-ka, iyadoo madaxweynaha dalkaasina uu ballan qaaday in kooxaha argagixisada uu ku weerari doono gudaha dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Sanadkan waxa uu aad uga duwanaa sanadadii hore maadaama aan loo dabbaal degin sidii sanadihii hore iyada oo ay jirtay cabsi dhanka ammaanka ah.

Haddaba Khadiijo Maxamed Jimcaale waa weriye ku sugan magaalada Paris ee dalkaasi Faransiiska waxa ayna weriyaha BBC-da Xasan Cali Geele uga warantay sida sanadkaan gudaha dalkaasi looga xusay sanadka cusub.