Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dagaal sanadka cusub ka dhacay gobolka Hiiraan

Image caption Gobolka Hiiraan

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay toban kalena way ku dhaawcameen dagaal beeleed dib uga bilowday galbeedka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalkan oo soo bilowday gelinkii dambe ee shalay una dhacayay si goos-goos ah ayaa waxaa uu xoogiisu ka dhacay tuulada Buq Goosaar oo shan iyo konton Km dhinaca galbeed uga beegan magaala madaxda gobolka ee Beledweyne.

Faahfaahinta warkaasi waxaa Muqdisho ka soo diray weriyaha BBC Ibraahim Maxamad Aadan.