Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne Kagame ma wuxuu doonayaa in uu Rwanda weligii xukumo?

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa difaacay go'aankiisa ah in uu mar saddexaad u tartamayo xilka madaxtinimada dalkiisa, isaga oo sheegay in uusan rumaysnayn in dadka reer Rwanda ay doonayaan in uu weligii madaxweyne ahaado, waxa uuna intaasi ku daray in goor ay noqotaba uu qof kale bedeli doono.

Hadalkaasi ayuu ku sheegay khudbad laga sii daayay TV-ga oo loogu talagalay sannadka cusub, laakiinse dad badan waxa ay is weydiinayaan haddiiba dadkii shalay ogolaaday in dastuurka wax laga beddelo oo uu mar saddexaaad xilka isu soo taago ay ka dalbadaan in uu waligii madaxweyne u ahaado, haddaba arrintaasi ma diidi doonaa?

Su'aashaasi iyo qaar kale ayaan waxaan hordhignay Dr. Ibrahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha caalamka, waxa uu u warramay weriyaha BBCda, Xasan Cali Geelle.