Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mareykanka oo Muslimiin shaqada looga eryay salaad darteed

Ilaa 200 oo qof oo shaqaale Muslimiin ah oo ka shaqeeya warshad hilibka lagu xirxiro oo ku taalla gobolka Colorado ee waddanka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kaddib markii ay dibadda isaga baxeen iyagoo ka cabanaya xannibaado lagu soo rogay xilliyada salaadda marka ay shaqaynayaan.

Intooda badan dadkaasi ayaa ah Soomaali ka shaqaynaysay wershaddaasi hilibka.

Haddaba Jaylaani Xuseen waa guddoomiyaha Xafiiska Minisoota ee hay'adda u doodda Xuquuqda dadka Muslimiinta ah ee Mareykanka, Xasan Cali Geele ayuu uga warramay tirada dadkani iyo sababta shaqada looga eryay.