Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland oo bilaabaneyso

Magaalada Hargeysa, gudiga sare ee doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta rasmi ahaan ugu dhawaaqay in diiwaangelinta codbixiyaasha ay bilaabaneyso 16 bishan January 2016, iyadoo lagu bilaabaayo gobolka togdheer.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa ka qayb galay shir jaraa'iid oo gudiga qabteen, isagoo wareystay guddomiyaha gudiga doorashooyinka Cabdilqaadir Iimaan.