Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn: Maxaa heerkan xun gaarsiiyay xiriirka Sacuudiga iyo Iran?

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa si aad ah u sii xumaanayey xiriirka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Iran, ka dib markii xukuumadda Sacuudigu ay horraantii todobaadkan dishay 47 qof oo uu ku jira wadaad ay shiicada aad u qadariyaan oo la oran jiray Nimr Al Nimr.

Dilka wadaadka ayaa keenay in Iran ay jawaab kulul ka bixiso, ayadoo wadaadka ugu weyn shiicada dalkaasi uu ku tilmaamay arrintan mid billow u ah dhamaadka qoyska boqortooyada Sacuudiga.

Labada waddan waxay kaloo kala taageeraan dhinacyada ku dagaallamaya Suuriya iyo Yemen.

Xurgufta labada dal ayaa gaartay inuu xumaado xiriirka dhinaca diblomaasiyadda, ayadoo maanta ay ku egtahay waqtigii xukuumadda Riyadh ay u qabatay inay diblomaasiyiinta Iran uga baxaan dalkeeda.

Haddaba maxaa khilaafka heerkan gaarsiiyey? Arrimahaas iyo qaar kale ayaan ka waraysanay Cabdiqaadir Maxamed Axmed oo ka faallooda arrimaha carabta. Faarax Lamaane ayuu u warramay.