Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo xiriirka u jartay Iran

Golaha wasiiradda ee Soomaaliya ayaa shalay soo saaray go'aan ay ku sheegeen in ay xiriirka ugu jareen dowladda Iran.

Safiirka u fadhiyay Iran Soomaaliya ayaa la faray in uu dalka isaga baxo.

Golaha wasiirada waxay sheegeen in diblomaasiyiinta Iran ay dhibaato ka wadeen gudaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa telefoonka kula xiriiray wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir, oo uu waydiiyay marka hore waxa ay tahay dhibaatada ay ku eedaynayaan Iran in ay ka gaysatay dalka.