Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cudur laynayo geela Wajeer

Deegaanno u dhow degmada Wajeer ee Waqooyi Bari Kenya ayaa laga soo sheegayaa xanuun aan la garan oo laynaya geela.

Mudanaha baarlamaanka ee laga soo doorto koofurta wajeer Cabdulaahi Maxamed Diiriye Dhakalow ayaa BBC u sheegay in xanuunka uu yahay mid si dhaqsiyo leh u faafaya, wuxuuna xukuumadda ka codsaday inay degdeg wax uga qabato.

Meelaha qaar ayuu sheegay in geela uu joojiyay daaqa. Weriyaha BBC Ciise X. Cabdulle ayuu u warramay.