Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abdikarim: Jawaari carqaladeyn ayuu wadaa

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Abdikarim Xuseen Guuleed ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari inuu carqaladeynayo wada tashiga iyo geedi socodka qaranka - isla markaana uu doonayo in dowladda wakhtiga loo kordhiyo.

Hadalkan ayaa ka dambeeyay markii uu Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi la socda uu si kedis ah u tagay magaalada Dhuusa Mareeb oo ay gacanta ku hayaan Ahlu Sunna Wal Jameeca.

Madaxweyne Cabdikariim oo shir jaraaid isaga iyo Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe oo marti u ah ay ku wada qabteen magaalada Cadaado ayaa arrimaha ay ka wada hadleen marka hore waxaa telefonka ku weydiiyay Farxaan Maxamed Jimcaale.