Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xiisadda Sacuudiga iyo Iran

Barnaamijka wuxuu ku saabsan yahay muranka diblomaasi ee u dhaxeeya dalalka Sacuudi Carabiya iyo Iran kaasi oo saameeyay xiriirkii u dhaxeeyay labada waddan.

Labada dal ee Sacuudiga oo ah dal Sunni Muslim ah iyo Iran oo Shiica ah waxay yihiin labada quwadood ee isku haya siyaasadda bariga dhexe iyaga oo la kala safan khilaafka ka jira dalalka Suuriya iyo Yemen.

Suaasha ugu muhiimsan ee aan is weydiineyno waxay tahay saameynta murankan uu ku yeelan karo dunida Muslimka?