Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhacdooyinkii Cologne iyo saameynta ay ku yeelan karaan qaxootiga

Madaxa booliska magaalada Cologne ee dalka Jarmalka ayaa shaqada laga joojiyay, ka dib markii lagu dhaliilay sida ay ciidammada ammaanka u maareeyeen tacaddiyo badan oo ay ka mid yihiin dhac iyo xadgudub dumar loo geystay, kuwaasi oo magaalada ka dhacay habeenkii uu curanayay sanadkan cusub.

Dhacdooyinkaasi ayaa dhaliyay dood kulul oo ku aaddan qaabka uu Jarmalka albaabada ugu furay qaxootiga dalkiisa imanaya.

31 tuhunsanayaal oo ay ka mid yihiin 18 magangelyo doon ah ayaa la aqoonsaday.

Haddaba arrintaasi saameyn intee la eg ayay ku yeelan kartaa qaxootiga dalkaasi ku nool? Faarax Lamaane ayaa ka wareystay Tahliil Colaad oo ku nool Jarmalka.