Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Anwar oo ka warramaya la yaabka Hargeysa

Anwar Sheekh Maxamed Cabdalla waa quba-joog ka soo laabtay dalalka Canada iyo Mareykanka oo hadda jooga magaalada Hargeysa oo ay ugu dambeysay soddon sano ka hor.

Anwar wuxuu Hargeysa ku arkay waxyaabo uu ku tilmamaay LA YAAB isagoo meelo ay ku kulmaan bulshadu ku soo bandhigay.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa Anwar ka wareystay waxyaabahaasi ka yaabiyay ee uu magaalada ku arkay.