Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali lagu casuumay khudbada sanadlaha ee Obama

Talaadada soo socota ayaa la filayaa in madaxweyne Obama uu jeediyo khudbaddiisii ugu dambeysay ee sannadlaha. Khudbadda oo madaxweynuhu ka jeediyo Congresska, waxaa kaloo lagu martiqaadaa shaqsiyaad ka kala yimaada gobollada US, kuwaasi oo bulshada wax u qabta.

Cabdiraxman Ciise Kaahin, waa ganacsade Somaliyeed oo degan gobolka Minnesota, waxaana lagu casuumay in uu ka mid noqdo sanadkan dadka uu tusaalaha wanaagsan u soo qaadanayo madaxweyne Obama khudbadaasi.

Waa qofkii ogu horeeeyay ee Somali Amerikan ah ee khudbadaasi lagu casuumo.

Weriyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen ayaa waraystay Cabdiraxman oo marka hore weydiiyay qaabka lagu casuumay.